Akhriso sharuudaha laga doonayo qofkii Muqdisho kasooshaqaysta ee doonaya inuu Hargaysa kulaabto

1425

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay sharuudaha laga doonayo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi ee xilalka ka qabta dowlada federaalka ee doonaya in ay tagaan deegaanada uu ka arimiyo maamulkooda.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa lagu sheegay in muwaadin kasta oo kasoo jeeda Somaliland uu tagi karo deegaanada maamulka marka uu iska casilo xilka uu ka hayay DF uuna raali galin ka bixiyo dambigii uu gelay.

“ Muwaadin kasta ee Reer Soomaalland oo Qaranka iyo ummadda ka galay dambi, xilna ka qabtay dowladda Federaalka waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkii kana laabtay fikirkii midnimada Soomaaliya kuna cadeeyo qoraal iyo cod ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliland.

Hadalkan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Muuse Biixi uu cafis u fidiyay Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo iska casilay kursiga Xildhibaanimo si uu Hargeysa ugu tago aabihiis oo xanuunsan.

Halkan ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland