(Akhriso) Sheekh Shaakir oo qaadacay doorashada Galmudug, kuna baaqday doorasho kale

1839

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug.

Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay inay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka, sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas.
Ad by Valueimpression

Dowladda Soomaaliya ayuu uga digay inay Maamulka Galmudug gelisay dib u dhac iyo qalalaaso cusub.

Ugu dambeyn Madaxda Xukuumadda Galmududug ayaa ugu baaqay danleyda siyaasadeed ee maamulkaas inay isugu imaadaan kulan looga tashanayo aayaha Galmudug laguna dhisayo maamul loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir