Akhriso Shirka musharraxiinta oo laga soo saaray go’aanno

1402

Waxaa maanta si rasmi ah loo soo gaba-gabeeyey shirkii musharraxiinta ee lixdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, iyada oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha laga wada-hadalay.

War-murtiyeedka oo ka koobnaa illaa 18 qodob ayaa waxaa inta badan looga hadlay doorashada Soomaaliya 2020 iyo walaaca ay muujinayaan musharraxiinta.

Sidoo kale waxaa murtiyeedka ka mid ah qodobo si gaar ah loogu dhaliilay dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Musharraiinta ayaa si gaar ah uga horyimid guddiyada doorashooyinka ee la dhisay, iyaga oo dalbaday in la-kala diro.

Qoraalkan oo saddex bog ka koobnaa ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka looga baahayan inay Cabdi Xaashi u deyso xubnaha ka imaanaya gobollada waqooyi ee guddiyada doorashooyinka, halka ay dalbadeen in xubnaha ka imaanaya beelaha Banaadiriga ee doorashada loo daayo odayaasha iyo waxgaradkooda.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ugu baaqay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin inuu baneeyo xilkaasi, maadaama uu yahay madaxa ololaha dib u doorashada madaxweyne Farmaajo.