Guddiga Qabanqaabadda doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa soo saaray habraaca sharuudaha laga rabo murashaxiinta u tartamayso guddoonka Golaha Shacabka, kuwaas oo ka kooban 8 qodob.
Waraaq kasoo baxday Guddiga ayaa lagu sheegay in musharrax u taagan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga rabo:
1. Aqoonsiga Xildhibaanimo (ID Card)
2. Arjiga caddeynta Musharraxnimo
3. Taariikh nolaleedka musharraxa
4. Labo Sawir
5. Warqadda caddeynta lacag qabashada Bangiga dhexe
6.Ballanqaadka u hoggaansamidda natiijada doorashada
7. Foomka diiwaangelinta Musharraxa
8. Foomka soojeedinta Musharraxnimada