Akhriso:- Somaliya iyo Ithopia oo warmurtiyeed soosaaray

9

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray kulamadii galabta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kadib safar uu Xasan Sheekh galabta ku tegay magaalada Addis Ababa.

Ugu horeyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika.

Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.

Hogaamiyayaasha ayaa xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri bayaankaan goordhow ka soo baxay wadahadaladii Addis Ababa.

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.

Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal.

Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah ee khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira, waxayna isku raaceen in ay faraan hay’adaha amniga ee kala duwan in ay xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xasan iyo Abiy.

Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta Baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal. “Waxa kale oo ay isla garteen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka laga soo saaray kulankii Xasan iyo Abiy ay ku yeesheen Addis Ababa.