Akhriso ” Taariikh nololeedkii AUN Ex Raisal wasaare Nuur Cadde

1678

Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London.

Geerida marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay wiilkiisa Xaaji Maxamed Nuur Xasan oo sheegay in marxuumka uu dhawaanahan u xanuunsanaa caabuqa uu keeno cudurka COVID-19 oo adduunka faro ba’an ku haya.

Alle ha u naxariistee marxuumka wuxuu xilligaas kaddib soo noqday Safiirkii Dowladda Soomaaliya u fadhiyay Talyaaniga iyo Midowga Yurub, isagoo muddadaasna ka qeybqaatay geeddi-socod diblumaasiyadeed oo caalamka, gaar ahaan dalalka uu Soomaaliya wakiilka uga ahaa.

Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa Magaalada London, madaama haatan aysan Ingiriiska ka jirin duulimaadyo sababo la xiriira ka hortagga faafitaanka cudurka COVID-19.

Alle ha u naxariistee Nuur Cadde ayaa waxaa xilka Ra’iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya loo magacaabay 22 november 2007, waxaana magacaabay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed kagadaal markii ay isqabteen ra’iisal wasaarihii ka horreeyay Cali Maxamed Geeddi.

Marxuumka waxay dadkii yaqaanay ku tilmaameen shakhsi qiimo iyo qaddarin weyn ay u hayeen Dadka Soomaaliyeed, si gaar ahna waxaa loogu xusuustaa kaalintii uu ku lahaa in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho gudaha u galay 28/12/2006 laga saaro Soomaaliya oo dhan, isagoo weliba u jajabnaantiisa wada hadallada iyo tanaasulka ay keentay in Mucaaradkii kasoo horjeeday Xukuumaddiisa oo fariisintiisu ahayd Asmara, Eritrea ay qaataan geeddi-socod nabadeed, kaasi oo aakhirkii keenay in Hoggaamiyihii Midowgii Maxkamada Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo mucaaradka Asmara fadhiyay hoggaaminayay kusoo baxo doorashadii madaxweynenimo ee Jabuuti ka dhacday bishii Janaayo 2009.

Taariikh kooban oo Marxuumka ku saabsan

Col Nur Hassan Hussein oo loo yaaqaan (Nur Cadde) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1938. Markii uu soo barbaarayna waxa uu ku biiray ciidankii Ilaalinta canshuuraha somaaliyeed (Guardia Di Finanza) sanadku markuu ahaa 1954, kadibna waxa uu ku soo wareegay Ciidanka Boliiska Somaaliyeed oo la aasaasay sanadkii 1965.

Howlihiisii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Nur Cadde intii uu ka tirsanaa ciidanka boliiska Somaaliyeed waxa uu ka gaaray darajada Gaashaanle Sare, xilal kala duwana waxa uu ka soo qabtay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Wuxuu taliye ku xigeen ka soo noqday xafiisyada qeybta Ciidanka, Xafiska qeybta Siyaasada iyo abaabulka iyo qeybta xiriirka caalamiga ah ee INTERPOL.

Saraakiisha iyo dhamaan ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxa ay rumansan yihiin Col Nur inuu ka mid ahaa Tiirarka aqoonta iyo maamul wanaagga u sameeyey Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sanadihii 1976 – 1983 waxaa uu ahaa Madaxa Xafiiska tababarada iyo qorsheynta ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed. Sida la wada ogayahayna tayada Ciidanka Boliiska Somaaliyeed waxay aheyd mid ku dhisan aqoon iyo maamul wanaagsan.

Sanadkii 1986 Col. Nur Cadde markii uu ka soo noqday wadanka talyaaniga halkaasi uu ugu maqnaa tababar muddo labo sano ah oo ku saabsan culuunta takhasuska Baarista Canshuuraha iyo sharuucda caalamiga ah, ayaa waxa loo magacaabay ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Badbaadada, si uu talo uga bixiyo denbiyada la xiriira canshuuraha iyo mamul xumada. Sanad ka dibna waxaa loo magacaabay Xeer Ilaliyaha Guud ee maxkamadda Badbaadada Dalka Somaaliyeed.

Wuxuu kaloo la soo shaqeeyay Marxuumka Ururka bisha Cas oo uu wakiil uga Soomaaliya, weliba xilli adag oo dalka uu kasoo baxay dagaalladii sokeeye kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.