Akhriso taariikhda madaxwaynaha la doortay ee Somaliland

43

Guddiga doorashooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland oo saakay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku guulaystay marka la eego natiijada ku meel-gaarka ah.

Arrintaas ayaa ka dhigan in musharrax Cirro uu ka guulaystay madaxweynaha xilka haya ee Muuse Biixi oo u sharraxnaa xisbiga Kulmiye iyo Faysal Cali Waraabe oo isna u sharraxnaa xisbiga UCID.

Dhanka dhibcana ay kala haleen markaan eegno sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Somaliland musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Waddani waxaa uu ku guulaystay codadka ugu badan oo gaaraya boqolkiiba 63.92 cod.

Xisbiga Kulmiya musharraxna uu u ahaa madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 34.81 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Faysal Cali Waraabe oo musharrax u ahaa Xisbiga Ucid ayaa isna ka helay codadkii la dhiibtay 0.74 boqolkiiba.


Doorashadan ayaa waxay ahayd mid si wayn loogu tartamay islamarkana waxyaabo badan kaga duwanayd doorashooyinkii ka horreeyay.

Doorashadan ayaa marar badan dib loo dhigay waxaana taasi ka dhshay dibaxyo iyo is qabqabsi badan, balse ugu dambeyntii waxa ay qabsoontay 13 bishan November.

Madaxwaynaha imika xilka haya Muuse Biixi Cabdi ayaa muddo xileedkiisa oo ku ekaa sanadkii 2022 waxaa uu ku darsaday labo sano.

Waa kumaa Cabdiraxmaan Cirro?

Cabdi raxmaan Cirro

Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi gudooomiyaha xisbiga Waddani islamarkana imika loo doortay madaxwaynenimada Somaliland wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1955.

Markii waxbarashadiisii hoose iyo dhexe uu ku soo dhamaystay Burco, Berbera iyo Hargeysa wuxuu u wareegay dugsiga sare ee caanka ah ee magaalada sheekh oo uu dhamaystay 1977.

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi mudadii u dhaxaysay 1978 ilaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha ee muqdisho.

Sanadkii 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi xaruntii wasaaradda arimaha dibedda ee Soomaaliya , gaar ahaan waaxda iskaashiga dhaqaalaha . Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi bishii May 1988 ilaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii somaliya ee dalka Ruusha ee Moosko.

Wuxuu markaa ka dib u guuray Cabdiraxmaan Cirro dalka Finlad oo uu joogay ilaa iyo 1999 oo uu ku soo labtay Somaliland.

Sannadii 2000 Cabdiraxman Cirro wuxuu ka mid noqday Aasaasayaashii xisbiga ah ee UCID oo uu ku xigeenka xoghayaha guud ka soo noqday.

Doorashadii baarlamaanka Somaliland ee September 2005 ayaa uu Cabdiraxmaan Cirro ka mid noqday xubnihii laga soo doortay gobolka Saaxil ee Berbera . Kadibna waxaa baarllamaanku u doorteen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi gudoomiyaha baarlamaanka oo uu hayay 12 sano ilaa 2-dii August 2017 oo uu iska casilay.

Sanadii 2011 Cabdiraxman Cirro wuxuu aasaasay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kadib markii ay isku dhaceen oo maxkamad isla galeen gudoomiyaha xisbiga UCID .

Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi wuxuu ku hadlaa luqadaha English , Carabi , Russian iyo Finish. Wuxuu ku haystaa shahaadada masterka ee MBA maamulka ee kulliyadii SIDAM iyo diplomaasiyadda xallinta khilaafaadka ee jaamicadda Hargeysa.

Arrimaha muhiimka ah ee horyaalla

Somaliland

Xigashada Sawirka,Reuters

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa hor yaalla qodob dhawr ah oo uu ballanqaaday muddadii uu ku jiray ololaha doorashooyinka Somaliland.

Qodobbadan ayaa waxa ka mid ah xaaladda Gobolka Sool, gaar ahaan dagaalladii halkaas ka dhacay sannadkii hore oo uu sheegay inuu hab wada-hadal ah ku xallin doono, kana shaqayn doono sidii maxaabiista ku kala xidhan Hargeysa iyo Laascaanood la isu dhaafsan lahaa.

Waxyaabaha kale ee horyaala waxa ka mid ah isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, oo xiisad siyaasaddeed iyo diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, mowqifka uu ka qaato, taasoo si weyn loo sugayo.

Heshiiska ayaa xumeeyay xiriirka Muqdisho ee Itoobiya, oo ka mid ah ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee la dagaallamaya kooxda al-Shabaab, wuxuuna heshiiskaasi Soomaaliya u dhoweeyay dalalka aysan Itoobiya isku fiicneyn ee Masar iyo Eritrea.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, qodobbada kale ee culus ee horyaalla waxa ka mid ah arrinta aqoonsiga oo Somaliland ay raadinaysay 33-kii sanno ee ay ku dhawaaqday goonni isu taaggeedda, isaga oo helista aqoonsiga Somaliland ka dhigay qodobbada mudnaanta u ah.

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, balse weli ma jiro dal aqoonsan.

Waxaa sidoo kale jira in laga sugayo sidii uu u sii amba qaadi lahaa wadahadalladii nabadda ee Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.

Cabdiraxmaan ayaa mar uu wareysi gaar ah siiyay BBC wuxuu sheegay inuu sii wadayo wada-hadalladaas “haddii ay ku jirto danta Somaliland”.