Akhriso Tirada Masar iyo Itoobiya uga soo aaday AUSSOM oo la shaaciyey

13

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku afgartay tirada dalalka looga qoondeeyey ciidamada hawlgalka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaddib toddobaadyo khilaaf ah oo ka dhashay tirada ciidanka laga filayo dalalka Itoobiya iyo Burundi.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin maadaama uusan u idmanayn in uu warbaahinta la hadlo, ayaa u sheegay VOA in ciidamada Burundi ee Soomaaliya joogay tan iyo 2007 ay dalka ka bixi doonaan, kaddib markii labada dowladood isku fahmi waayeen tirada ciidanka laga filayo Burundi.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Soomaaliya iyo Midowga Afrika, hawlgalka cusub ee AUSSOM ayaa yeelan doona 11,900 oo shaqaale ah, kuwaas oo isugu jira askar, boolis iyo shaqaale rayid ah.

Qorshaha cusub ayaa ciidamada sidaan u kala qeybinaya: Uganda 4,500, Itoobiya 2,500, Jabuuti 1,520, Kenya 1,410, iyo Masar 1,091, sida uu xaqiijiyay sarkaalka Midowga Afrika.

Diblomaasi kale oo ka tirsan Midowga Afrika, oo isaguna codsaday in aan la shaacin magaciisa, ayaa VOA u sheegay in wada-hadallada ku saabsan joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ay weli socdaan.

Bixitaanka ciidamada Burundi wuxuu yeelan karaa saameyn siyaasadeed iyo dhaqaale oo ballaaran oo ku saabsan Midowga Afrika,” ayuu yiri diblomaasiga.

Waxaa intaa dheer, arrinta maalgelinta AUSSOM wali lama xallin. Burundi waxay sameysay allabaryo badan, waxaana muhiim ah in cabashooyinkooda la tixgeliyo,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa sidoo kale jira boqolaal boolis ah oo ka socda Nigeria, Sierra Leone iyo Masar, kuwaas oo la dejin doono Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo.