Akhriso War-Murtiyeed laga soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

1161

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lasoo geba-gabeeyey.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doorashooyinka dalka iyo amniga kadib dood socotay 6 maalin.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah in Amniga Madaxtooyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iyadoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.

Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ayaa loogu baaqay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan kaliya shaqadooda amniga.

Doorashada xubnaha Golaha Shacabk ayaa loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Soo jeedintii ay Golaha midowga musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qaatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka Shirka oo dhameystiran