Akhriso Wasiir Amniga Galmudug oo sharci daro kutilmamay taliyaasha Muqdisho laga soomagacabayo

1724

Heshiiska qaab dhismeedka cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay wada galeen madaxda dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu taariikh Juun 24, 2016 Magaalada Baydhabo ayaa tibaaxaya qaab dhismeedka cusub ee ciidamada Booliska heer federaal iyo heer Dawlad Goboleed.

Heshiiskaas sida ku cad ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu u kala baxaya: Ciidanka Booliska Federaalka iyo ciidanka Booliska Dawlad Goboleedyada oo mid walba shaqooyin u gaar ah leeyahay.

Dhowaan Dawlad Goboleedka Galmudug oo ay wakiil uga tahay wasaaraddadiisu amnigu waxay unkaysaa ciidanka Booliska Dawlad Goboleedka Galmudug oo ka hawlgeli doona dhammaan deegaanada Galmduug.

Waxaa soo saaray Qoraalkani Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug uu hadda hogaamiyo Axmed Macalin Fiqi,iyadoo abuurtay durbaba shaki kusaabsan inuusan taageersaneyn hanaanka Xilalka Booliska Federaalka ugu magacaabayaan Deegaanka uu Wasiirka Amniga u yahay.