AKHRISO:- Xaliimo Yareey oo lagu eedeeyay cunsurinimo

2036

Isaaq Yuusuf oo ka tirsanaa waaxada Wacyigelinta (Outreach) ka ee shaqaalaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka hayeeshee sida uu sheegay looga saaray shaqada guddiga si ku dhisan haybsooc ayaa u sheegay Mustaqbal in guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinku Xaliima Ismaaciil Ibraahin ka erisay shaqadii uu ka hayey guddiga.

Isaaq waxa uu sheegay in guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinku Xaliima yareey ay Shaki gelisay Soomaalinimadiisa sidaas awgeedna ay ka dalbatay in uu wareejiyo kaarka aqoonsiga guddiga islamarkaana keeno odayaasha beeshiisa.

“Dhibka aan tabanayo waa haybsooca iyo cunsurinimada dowladeesan, Guddoomiye Xaliima ayaa waxay igu tiri “Isaaq Soomaali ma tihid ee maxkamad ayaan kula aadayaa, kaarka shaqada iyo odeyaashaadaba keen, Aniga ugaaskayga ayaan Kismaayo diyaarad kasoo saaray, bil dhan ayuu Xamar joogay oo dalabkeedu jeesjees ayuu ahaa” Isaaq Yuusuf ayaa sidaas yiri

Isaaq Yuusuf ayaa sidaas oo kale waxa uu sheegay in uu xog-hayaha guud ee GMDQ Mudane Cabdirisaaq Bashiir uu kamid yahay dadka kusameeyey hayb-sooca sababay in uu shaqada waayo, markii shaqada laga eryey iyada oo aan loo marin wax habraac iyo xeer ah ayuu sida uu sheegay waxa uu qoray xaashi uu ku dalbanayey in guddigu cadeeyo heerka shaqadiisa.

Guddoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa diidday soo jeedin ku saabsanayd in shaqaalaha guddiga doorashooyinku kamid noqdo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda islamarkaana uu hoos tago guddiga shaqaalaha rayidka.

Guddoomiye Xaliimo waxa ay horay isu qabteen Sayid Cali Sh. Maxamed guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashooyinka qaranka kaddibna waxa ay Xaliima soosaarat warqad ay sheegtay in ay xilka uga qaadday iyada oo ku eedeysay in uu duminayey guddiga.