Akhriso Xeer Ilaalinta Qaranka oo xirtay dacwadii loo heystay C/rashiid Janan

1554

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan).

C/rashiid Janan ayaa loo heystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

 

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo horey uga baxsaday xabsi guri uu ugu jiray dowlada ayaa dhowaan heshiis la galay DF oo muddo ay iskaga soo horjeedeen degmada Belad-xaawo, waxaana uu haatan ku sugan yahay Muqdisho.