AKHRISO: Xildhibaano,Wasiiro, Jeneraalo reer Puntlnad ah oo kahor yimid Deni iyo Baarlamaankiisa

1632

Senator katirsan baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Wasiiro hore oo katirsanaa Xukuumaddihii iskaga dambeeyey ee Puntland, Jeneraalo ciidan oo kamid ah Asaasayaashii Puntland, Aqoonyahano & Ganacsato ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ku wajahan xaaladda Puntland iyo waqtiga kala guurka ah.

Warsaxaafadeedka, waxaa lagu cadeeyey in aysan marnaba ka go’aynin Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, iyadoo caqabadaha hadda waa weyn ay yihiin kuwa muhiim ay tahay in looga gudbo.