Akhriso:- Xisbiga Himilo Qaran Oo War- murtiyeed ka soo saaray Xayiraadii Ex Madaxweyne Sheikh Shariif.

1573

Xisbiga Himilo qaran ee uu Hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay ishortaagii lagu Sameeyay Shiikh Shariif in uu ahaa Khiyaano qaran iyo dastuurka oo lagu xadgudbay.

Xisbiga oo u tacsiyeeyay dadkii dhibaatadu ka soo gaartay ishortaaga Madaxwayne Shiikh Shariif ayaa sidoo kale cadeeyay in aan loo dulqaadan doonin sii socoshada falalka noocaan oo kale ah islamarkaana baalmarsan dastuurka iyo Sharciga Dalka.

Labada Madaxwayne Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh ayaa labaduba ku wajahan Magaalada Kismaayo si ay uga qaybgalaan Caleemasaarka Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe.