Akhriso;- Taliyaal Cusub oo lamagacaabay Ka Dib markii….

1567

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu magacaabay taliyayaal cusub oo qaban doona hoggaanka talisyada ciidamada dalka.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii-hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka.

Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe

Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe.

 

Dhamaan Taliyaashan La Magacaabay ayaa ah Dhalinyaro inta badan aan la heyn Qibrad dheer oo Ciidan.