(Akhriso)Cabdi Xaashi oo Qoor Qoor kacodsaday in lagu daro shirka dhuusamareeb

1347

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa qoraal uu u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ku wargeliyay inuu maalinta berri imaan doonaan Dhuusamareeb isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Cabdi Xaashi ayaa sababta uu tagayo Dhuusamareeb ku sheegay maadaama arrimaha laga hadlayo ay ka mid tahay khilaafaadka ka taagan arrinta Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu shir uga furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka gobolka Galmudug, kaasoo la doonayo in xal kama danbeys ah looga gaaro khilaafaadka ka taagan arrimaha doorashooyinka, lamana oga in Cabdi xaashi loo ogolaan doono inuu ka qeyb galo shirkaas iyo in kale.