(Akhriso)Wasiiro ka tirsan Galmudug oo soo saaray wareegtooyin iska soo horjeeda

955

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maamul cusub u magacaabay Degaanka  Xiro Dhagaxley ka dib wareegto uu soo saaray

Hase ahaatee waxaa talaabadaas ka horyimid Wasiiru dowlaha Wasaaradaas oo soo saaray warqad oo ku joojinayo magacaabistaas, wuxuuna xusay in Wasiir ku-xigeenka uusan awood u lahayn inuu magacaabo Maamul cusub.

Arintan ayaa ku soo aaday iyadoo bilo ka hor xil ka qaadis lagu sameeyay, Wasiirkii Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Cabdi Waayeel ka dib muran ka dhashay maamul degmo oo uu u magacaabay.