Al-Cadaala oo isaga haray tartankii uu kula jiray Odawaa +SAWIRRO

1070

Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa gacan ka taagay loolankii uu ugu jiray kursiga xildhibaan ee HOP#69, isaga oo qirtay in looga adkaaday, una hambalyeeyey Cabdiraxmaan Odowaa oo hadda kursiga ku fadhiya mar kalena u sharxan.

Inkasta oo kursiga doorashadiisa aysan weli dhicin, haddana Al-Cadaalaa aya garwaaqsaday in rajada uu ku hanan karo ay tahay 0, taasi oo keentay inuu ka haro tartanka.

Al-Cadaalada ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaan halkaan uga hambalyaynayaa adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya Xildhbaanka I matalidoona afarta sano ee soo socota insha allaah.”

“Waxaan umahadcelinayaa dhamaan saaxiibadii mudada ka badan labada Sano igala shaqaynayay Ololahayga. Waxaan kale oo u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaashayda kala duwan oo aan leeyahay waad mahadsantihiin. Halganku wuu soconayaa insha allaah. Dhamaanteen waan guulaysanay. Gacmaha ayaan isqabsanaynaa horay ayaanan usoconaynaa insha allaah.”

Sidoo kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa uga mahd-celiyey Al-Cadaala inuu tartanka uga haray.

“Waxaan u mahad celinayaa Wasiir ku xigeenka warfaafinta wiilkayga Abdirahman Yusuf Omar sida sharafta iyo xurmadda leh ee uu iigu tanaasulay. Waxaan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan anoo ballan qaadaya inaan gacmaha is qabsanno si aan ugu adeegno bulshadeenna. Caawo waan wada guulaysanay adeer. Allaa mahad leh,” ayuu yiri Odowaa.