Al Shabaab oo baahisay Sawiradda Ragii fuliyay Weerarkii Xerada Manda Bay +SAWIRRO

1469

Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay baahisay muuqaalka iyo sawirada ragii fuliyay weerar sanadkii hore dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Mareykanka ku lahaayeen dalka Kenya ee Manda Bay .

Weerarkan Al Shabaab ku qaaday xerada Manda Bay ayaa lagu dilay askari iyo qandaraaslayaal u dhashay dalka Mareykanka, waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan gaarsiiyeen Al Shabaab diyaarado iyo agab kale oo xerada yaalay.

Muuqaalka Al Shabaab soo bandhigeen ayaa laga arkayay wajiyada ragii fuliyay weerarka xerada ciidamada Mareykanka la hayeen lagu qaaday, raga weerarka fuliyay ayaana u badnaa ajaaniib kasoo jeeday dalalka Tanzaaniya, Yemen, iyo Itoobiya.

 

Amiirka Al Shabaab oo kasoo muuqday muuqaalkan Al Shabaab baahiyeen ayaa bogaadiyay howlgalka ay fuliyeen dagaalyahanadan katirsanaa Al Shabaab, waxa uuna sheegay in weerarkaasi jawaab u ahaa duulaanka Mareykanka.

HALKAN KA ADAAWO VIDEOGA