Al-Shabaab oo bur buriyay Anteeno ay leedahay Shirkadda Safaricom +SAWIRO

1567

Wararka laga helayo deegaano hoostaga Magalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Xarun ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom oo laga leeyahay dalka Kenya,isla markaana ay burburiyeen.

Xarunta la weeraray ayaa ku taalla deegaan lagu Magacaabo Yumpis oo ka tirsan degmada Fafi ee ismaamulka Garissa,sida ay sheegeen saraakiil Ciidan oo u hadlay Booliska Kenya iyo Maamulka Magalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Al-Shabaab iyo Maamulka Shirkadda Safaricom weli kama hadlin burburinta Anteenooyinkii Shirkadaas,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya uu ku dhexmaray ismaamulka Garissa.

Shirkada Isgaarsiinta Safaricom ayaa mudo hadda laga joogo Saddex Sano,waxaa dowladda Kenya ay heshiis kula gashay inay ka caawineyso dhinaca amniga iyo baarista Shaqsiyaadka la tuhmayo taas oo sabab looga dhigay weerarada inta badan ay ku qaadaan Xarumaha Shirkadaas Ururka Al-Shabaab.