Al-Shabaab oo guddoomiye u magacowday gobolka Banaadir

1620

Ururka Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Ilo ku dhow dhow Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan.