Al-Shabaab oo qabsatay Balcad

1608

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo isa soo abaabulay ayaa caawa weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ay gacan ku haynteeda la wareegeen.

Shabaab hubeysan oo dhulka ku socday, islamarkaana tiradooda lagu qiyaasay 100 Dagaalyahan ayaa dhawr jiho ka weeraray Degmada, waxaana is qabsatay rasaasta labada dhinac.

Ciidamada Shabaab oo banaanka magaalada uga soo degtay ilaa Afar gaari oo Caasi ah ayaa si gaar ah u weeraray Koontaroolka laga soo galo Degmada Balcad, ciidan ku sugnaa meel ku dhaw xarunta Degmada iyo Warshadii hore ee Dharka.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay dagaalka inuu ahaa mid aad u culus oo ciidamada Millitariga markii hore iska caabiyeen dagaalka Shabaab ay soo qaadeen.

Ku dhawaad Hal saac ayuu socday dagaalkaan oo lagu soo waramaayo inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.

Waxaa la soo warinayaa aagga uu weerarka ka dhacay inay ka maqan tahay korontada, taasi oo qasabtay in ilaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha dhashay dagaalkan iyo cida sida saxda ah gacanta ugu heysa Degmada.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shabaab ay ku dhex roondeynayaan Degmada, islamarkaana la wareegeen qeybo ka mid ah Degmada Balcad, kadib markii ay kala firxadeen ciidankii Millatariga ee weerarka lagu soo qaaday, kuwaasi oo ku sugan Duleedka Magaalada.

Ilo wareedyo ayaa waxa ay inoo sheegeen in Shabaab ay sii daayeen Maxaabiis ku xirneyn xabsi ku yaalla xarunta Degmada Balcad, kuwaasi oo u xirnaa dambiyo kala duwan.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen banaanka Degmada, waxayna uga jawaabayeen weerarka caawa qabsaday Degmada Balcad.

Saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in weerarkan uu ahaa mid culus, sidaasi darteedna hada aysan bixin karin wax faah faahin ah.

Masuuliyiinta sare ee Degmada Balcad iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku kala maqan safaro la xiriira Muqdisho iyo Nairobi, oo aysanba ka war heyn xaalada Degmada iyo shacabka ay masuulka ka yihiin.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan Degmada Balcad, waxaana aad u adag inaad isgaarsiint ku hesho dadka ku sugan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa u muuqda kuwa ka faa’ideysana gadoodka ciidanka xoogga dalka ee ku aadan mushaar la’aanta, bacdamaa Shabaab xalay la wareegeen Degaanka Dhanaane oo ay ka soo baxeen ciidanka dowladda, mushaar la’aan darteed.