Al-Shabaab oo qabsatay qaybo kamid ah Gobolka Sanaag

1473

Dagaalmayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay sheegtaan maamulka Somaliland.

Tuulooyinka Al-shabaab qabsadeen waxaa ka mid ah Mirici, Masha-Alled iyo Habasha Aw-Cali, oo 10km uun dhinaca galbeed ka xiga magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Lasqoray oo katirsan gobolka Sanaag.

Dhammaan tuulooyinka ayaa horey waxaa gacanta ugu hayey maamulka Somaliland.

Al-shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyyo ciidan ka waday gobolka Sanaag.

Waxaa aad u adag in macluumaad dheeraad ah laga helo tuulooyinka Al-shabaab la wareegayaan sababa la xiriira isgaarsiinta oo adag.