Al-Shabaab oo shan nin kale ku toogatay goob fagaare ah +(Magacyadooda)

1505

Fagaare ku yaalla degaanka Salagle ee gobolka Jubbada dhexe ayaa shalay galab lagu toogtay Illaa shan nin oo lagu eedeeyey iney u basaasayeen dowlado shisheeye iyo qaar ka mid ah Maamulada ka jira Soomaaliya.

War ay baahisay Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ragga la dilay laba ka mid ah ay basaasiin u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ayna dayuuradaha Drone-ka ku hagayeen saraakiisha kooxda Al-Shabaab.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka akhriyay magacyada raggan lagu eedeeyey basaasnimada oo sida muuqata ka tirsanaa dagaalyahanada kooxdaas, waxayna kala yihiin.

1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 jir ah waxaa lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.

2-Cabdixakiin Xuseen Cabdi Nuur oo 23 jir ah waxaa lagu eedeeyey inuu u basaasayay Maamulka Jubaland.

3-Cabdiraxiim Axmed Yusuf oo 26 jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4-Isxaaq Cabdullahi Xasanow oo 29 jir ah wuxuu Basaas u ahaa Maamulka Koonfur galbeed sida ay sheegtay Al-shabaab

5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 jir ah wuxuu u shaqeynayay Bangaraafta Mareykanka sida uu sheegay qaadiga.

Waa maalintii labaad oo si xiriir ah ay Al-Shabaab ugu toogato gobolka Jubada dhexe dad lagu eedeeyey basaasnino, waxaana dadka ay Al-shabaab labadii maalmood ee la soo dhaafay dilka ku fuliyeen ay gaarayaan 10 qof.