Al-Shabaab oo soo bandhigay Macawisley ka tirsan Murusade +Sawirro

323

Kooxda Al-shabaab ayaa maanta ku soo bandhgtay degaanka Jacar oo ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ciidan Macawisley ah oo iyaga taageersan kuwaasoo ay sheegeen iney ka soo jeedaan beesha Murusade.

Sida ay baahisay warbaahinta Al-shabaab kulan ballaaran oo beesha Murusade ay ku qabsatay deegaanka Jacar ayay kasoo saareen go’aamo ku saabsan dagaalka uu iclaamiyay Xasan Sheekh.

“Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen waxgaradka iyo cuqaasha Murusade ayay ku sheegeen in aysan ogolaan doonin in maleeshiyaadka dowladda ay kusoo duulaan deegaanadooda isla markaana ay udiyaar garoobeen dagaal ka dhan ah ciidamada huwanta ah” ayaa lagu yiri warbaahinta Al-shabaab warka laga baahiyey.

Nin magaciisa lagu sheegay Ugaas Cabdullaahi oo Al-shabaab ugu magacaaban Ugaaska Murusade ayaa hadal uu ka jeediyay kulankii Jacar uga hadlay duulaanka ay DF qorsheneyso iney ku soo qaado Ceelbuur iyo degaano kale, isagoo ugu baaqay dadka degaanadaas ku dhaqan iney ka hor tagaan iskana difaacaan duulaanka ku soo wajahan.

Al-Shabaabka ku sugan gobolka Galgaduud degaano ka tirsan ayaa waxaa saaran culeys xoogan, iyadoo dowlada Somalia ay qorsheyneyso iney maalmaha soo socda ku qaado duulaan culus oo looga saarayo degaanadaas.