Al-shabaab oo weeraray deeganada Yeed iyo Aato

430

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo culus oo Xalay maqribadii ka dhacay deegaanada Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolka Bakool, islamarkaana xad beenaad la leh dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalada ka dhacay deegaanada Yeed Aato ayaa bilaawday kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weeraro xoogan ku qaadeen labadaasi deegaan oo ay ku sugnayeen ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Itoobiya.

Dagaalada ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah, isgaarsiinta deegaanadaas oo go’an dartood.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Yeed iyo Aato oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamadii ay halkaasi kula dagaalameen, walow aysan sheegin tirada askarta ay ku dileen halkaasi marka laga soo tago iney gacanta ku dhigeen hub iyo saanad Militari.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulada Koofur Galbeed iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanada Yeed iyo Aato oo ka wada tirsan gobolka Bakool.