Al-Sisi oo markii ugu horaysay ujwaabay Faransiiska

1535
Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi poses during a meeting with French Prime Minister Manuel Valls (unseen) at the presidential palace on October 10, 2015 in the Egyptian capital Cairo. Valls arrived in Egypt to start a three-country Arab tour aimed at boosting economic ties and for holding talks on the region’s conflicts. AFP PHOTO / KENZO TRIBOUILLARD

Madaxda Wadamada Islaamka qaarkood ayaa si kulul u cambaareeyay aflagaagada Faransiiska u geesteen Nabi Maxamed NNKH iyo hadaladii gefka ahaa ee kasoo yeeray Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al Sisi ayaa si adag u cambaareeyay aflagaadada Nabi Maxamed NNKH loo geestay , waxa uuna xusay in aan qiil haba yaraatee loo sameyn karin gefka Nabi loo geesanayo.

Al Sisi ayaa sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh muslimiin ah, waxa uuna cadeeyay in xuriyad hadal aheyn in loo gefo ama la caayo Nabi Maxamed NNKH.

“Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad NNKH la caayo, mana ahan wax islaamka u dulqaadan karaan in loo gefo Nabi Maxamed NNKH “, ayuu yiri Madaxweyne Al Sisi.

Hogaamiyaasha Wadamada Islaamka qaarkood ayaa si adag uga felceliyay gefka Madaxweynaha Faransiiska u geestay diinta Islaamka iyo Sawir Gacmeedkii laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH .