Algeria Oo markii labaad Ku Guulaystay Koobka Qaarada Africa

1793

Xulka qaranka Algeria ayaa noqday geesiyaasha Qaarada Africa kadib markii ay ku guulaysteen koobka qaarada Africa ee sanadka 2019 kadib markii ay ka qaadeen xulka qaranka Senegal.

Xulka Algeria sidaas ugu guulaystay koobka qaarada Africa markii ugu horaysya 29 sano kadib iyada oo ay ugu dambaysay koobka sanadkii 1990 markaas oo dalkooda lagu marti galiyay.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh oo uu xulka Algeria qaadayo weeraro aan kala joogsi lahayn daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka furitaanka.

Taas ayaa xulka Algeria u surtagashay iyaga oo daqiiqadii 2-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay weeraryahanka Baghdad Bounedjah kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka Algeria ayaa wixii intaas u muuqday qaar ka awood badan xulka Senegal iyaga oo qaybtii hore kaliya hal kubad oo waliba shabaqa dul martay ku laagay goolka xulka Algeria.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Algeria 1/0 ku hogaaminayo ciyaarta waliba uu xulka Senegal soo bandhigay qaab ciyaareed aan fiicnayn qaybtii hore ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ayuu xulka Senegal si dar-dar leh ku bilowday iyaga oo daadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha kuna qaadayay xulka Algeria weeraro cir iyo dhul ah.

Xulka Senegal ayaa xitaa loo dhigay rikoodhe laakiin VAR ayaa ka diiday kadib markii uu garooruhu dib ugu laabtay go,aanka iyada oo ciyaartu sii ahayd 1/0 uu xulka Algeria ku hogaaminayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Qaranka Algeria ku guulaystay koobka qaarada Africa markii 2-aad ee taariikhdooda iyo markii ugu horaysay ee tan ilaa 1990-kii.