Alshabaab oo laga qabsaday Ceelhuur

192

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo Gorogor oo gacan ka helaya ciidamada deegaanka ayaa goordhaw si nabadgalyo ula wareegay deegaanka Ceelhuur oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada huwanta ah oo ka dhaqaaqay degmada Hobyo ayaana si buuxda ula wareegay deegaanka Ceelhuur iyo tuulooyin kale oo hoostaga, waxa ayna ciidamada howlgalo kawadaan deegaanka ay saakay la wareegeen.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in usii dhaqaaqeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas ay filayaan in saacadaha soo socda si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Xarardheere.

Degmada Xarardheere oo ah saldhiga ugu weyn ee Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Mudug ayaa wararka sheegayaan in halkaasi uu ka bilowday qaxm wararka qaar ayaana tilmaamay in Al Shabaab qeybo kamid ah degmadaasi iyo deegaanno hoostaga ka baxeen.