Alshabaab oo uyeertay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka

1664

War kasoo baxay Maanta oo Isniin ah hoggaanka Sare ee Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa baaq iyo farriin culus loogu diray ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ku qoran luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa looga dalbaday Ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad goboleedyada in mudo 45 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa 15/7/2019 kuna Eg 1/9/2019 ay iska diiwaangeliyaan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in ergada ay galeen qalad weyn loogana baaha yahay inay kasoo laabtaan,iyada oo loogu hanjabay cidii ka dhega adeegta Amarka Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Warkaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kulan uu lahaa Golaha Shacabka ka hor sheegay in Ergadii soo dooratay ay u yeereen Al-Shabaab,isla markaana ay jiraan deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay.

HALKAN HOOSE KAQRI BAYAANKA ALSHABAAB

Baaq Towbad-keen

A Call to Repentance