Alshabaab oo weerar isimiidaamin ah ku qaaday goob uu ku sugnaa Qoor Qoor

153

Kooxda Alshabaab ayaa saakay waaberigii gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ku weerartay madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ku sugnaa degaanka Laas-gacamey oo katirsan degmada Bacaadweyne ee koonfurta gobolka Mudug.

 

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ayaa ka hor tagay weerarkan ka hor inta uusan soo gaarin goobta ay ku sugnaa masuuliyiinta.

Ciidamo katirsan madaxtooyada Galmudug ayaa ku geeriyooday weerarka, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Taliyaha ciidanka Darawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay madaxweynaha Galmudug, xildhiban Dhabancad iyo masuuliyiin kale oo goobta ku sugnaa ay dhammaantood badqabaan.

Taliyaha ciidanka Daraawiishtu wuxuu xaqiijiyay Senator Cabdi Qaybdid inuu dhaawac fudud kasoo gaaray gacanta, kaddib markii qaruxu kusoo dumiyay guri jiingad ah oo uu daganaa.

Weerarkan ayay Shabaab la beegsadeen goob ay masuuliyiintaan xalay seexdeen.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmahan ku sugan furimaha dagaalka ee Galmudug, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay inuu Shabaab ka ciribtiro degaanada maamulkiisa.