Amaro la dul-Dhigty Dadka Dalka Ka Dhoofaya Iyo Kuwa Imaanaya

1444

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Go’aan Maanta dib loogu furayo duulimaayadii Caalamiga ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray, kadib markii loo xiray sababo la xiriira COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda ay diyaarisay habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro Cudurka COVID-19, si loo ilaaliyo fayo qabka Shacabka dalka imaanaya.

Amaro dhowr ah ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa kamid ah in dadka safarada ah ee dalka imaanaya iyo kuwa ka dhoofaya inay xirtaan Afka, si loo yareeyo faafida Cudurka COVID-19.

Maanta oo Isniin ayaa si rasmi ah dib loogu furayaa duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii ka bixi jiray Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii saddex bilood kahor dowladda Soomaaliya ay u xirtay khatarta COVID-19.