AMISOM oo bedelaysa qorshaha holwgalkooda Soomaaliya

1621

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay inuu bedelay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo hore ay ugu duulaan tagi jireen Ciidamo fara badan.

Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka Amisom ayaa sheegay iney dajiyeen Istaraatijiyada cusub ee weerarada ka dhanka ah Shabaab, isgaoo sheegay in qorshohooda cusub uu noqonayo beegsiga hadafkiisa yahay bartilmaameedsiga cayiman oo kaliya.

Waxaa uu sheegay in meesha laga saaray Ciidamadii iyo gaadiidkii faraha badnaa ee mar kaliya duulaan ku qaadi jiray Al-Shabaab, taasoo qaraxyo waddooyinka lagula eegto uu khasaare xooggan ka soo gaaro ciidamada

Qorshaha cusub waxaa ka mid ah in Albaabada la isugu dhufto Saldhigyo badan oo ku yaala gobolada qaar marka ay dalka isaga baxaan illaa 1,000 askari oo ka socda Ciidanka Burundi oo dhamaadka bishan ka baxaya Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tigabu Yilma Wondimhunegn oo xilka loo magacaabay 1-dii bishan ayaa durba la yimid qorshe cusub, taasoo ay ku raaceen Saraakiisha AMISOM, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay meesha ka saareyso in Shabaabku sameeyaan dhaqdhaqaaqyo xor ah oo ay magaalooyinka isaga kala gooshi karaan, iyagoo aan wax cabsi ah qabin.

Qorshaha cusub ayaa ah mid la xiriira in Ciidanka AMISOM ay duulaan qorsheysan ku qaadaan oo kaliya deegaano la soo sahmiyay oo Shabaab ay joogaan, Weerarka kadibna ay dib ugu soo laabtaan goobihii ay ka weerar tageen.

Qorshahan ayaa u dhow midka Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya, kuwaasoo weeraro ku qaada Saldhigyada ay joogaan Hoggaanka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Lama oga sida uu noqonayo howlgalka cusub ee AMISOM, maadaama aysan heysan diyaarado ay ku fuliyaan weerarada gaarka ah, iyadoo mid dhul ahna ay wajihi karaan qaraxyo iyo dagaal toos ah.

Waxaa jirta walaac cusub oo durba ku beeray dadka Shacabka ah iyo maamulada ka jira gobolada dalka, maadaama AMISOM ka bixi doonaan deegaano ay gacanta ku hayaan.