Amniga Senator Dhagey oo qal qal kujira

2008

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli ay xiisad ka taagan tahay magaaladaasi, ka dib markii Sabtidii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, lagana garanayay magaalada.

Shaafici Xaaji Diiriye ayaa u geeriyooday rasaas uu huwiyay mid ka mid ah ilaalada Senetor Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Arrintan ayaa xiisad ka abuurtay Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii ehelada marxuumka iyo dadka reer Dhuusamareeb ay si weyn uga horyimaadeen macno la’aanta lagu dilay ninkaasi.

Xoogaga Nabad Suggida ayaa soo xiray askarigii dilka gaystay, balse taasi maynaan qancin dadkii deegaanka, waxaana ay ehelada marxuumka sheegeen inaanan la aasi doonin, illaa iyo inta sharciga laga waafajinayo askarigii dilay.

Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in caweysnimadii xalay rasaas laga maqlay magaalada, taa oo qayb ka ah carrada xoogga lihi ee falkaasi ka dhashay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Nabad Suggida ay u baqeen amniga Senetor Yuusuf Geelle Ugaas iyo ilaaladiisii, waxayna xilligan ku hayaan Xarunta INJI, oo ay saldhig ka samaysatay Nabad Suggida Galmudug.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu dhaliilay in ay Magaalada Dhuusamareeb geeyeen dilalka qalqalgelinta ah, ee ay ka gaystaan magaalooyinka kale ee dalka, isla-markaana ay Dowladda Federaalka ka arrimiso.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda lagu wareejiyay Magaalada Dhuusamareeb (bishii November) ayaa waxaa magaaladaasi ku soo badanayay dilalka.