Antoine Griezmann oo la ogaaday kooxda uu Ku Biiri Doono Xagaagan

1828

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa ah hadal haynta saxaafada tan ilaa markii uu xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda Atletico Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayay kooxaha Barcelona, Man United iyo PSG tan ilaa markii uu xaqiijiyay in uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono kooxda Atletico Madrid xagaagan.

wargayska Le Parisien ee ka soo baxa caasimada France ayaa sheegay kooxda uu xiddiga Antoine Griezmann ku dhawyahay in uu ku biiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Le Parisien ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona tahay kooxda uu doorbidayo xiddigu in uu ku biiro inkasta oo uu dalab fiican ka haysto kooxda PSG.

Kooxda Barcelona ayaa sugaysa inta laga gaadhayo 1 bisha July si ay ugu dhaqaaqdo xiddiga markaas oo uu qiimaha lagu bur-burinayo heshiiskiisa Atletico Madrid noqon doono 120 milyan oo euro.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Griezmann xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa si lama filaan ah u go,aansaday in uu saxiixo heshiis cusub.