Aqalka sare oo codsaday in baaris lagu sameeyo dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka

1584

Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Abdi Xaashi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo been abuur uu sheegay in lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud dalka.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa ku eedeeyay barlamaanka aqalka hoose in ay madaxweynaha u gudbiyeen xeerkaaan, iyadoo aan lasii marsiinin barlamaanka aqalka sare si uu dib u eegis ugu sameeyo.

Cabdi Xaashi wuxuu madaxweynaha ugu baaqay inuu xeerkaan oo uu saxiixay kusoo saaro wareegto lagu oogolaanayo in xeerkaan dib u eegis lagu sameeyay lagana saxo wixii qaladaad ah oo ku jira.

Halkaan hoose ka aqriso bayaanka aqalka sare.