Aqriso qodobadii ka soo baxay kulankii Xasan Shiikh & Siyaasiyinta Mucaaradka

24

Shir u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sii wado kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho uuna maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo xubno kale.

Kulankaan Madaxweynaha iyo Madaxda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Ugu dambeyn, warka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa shaaca looga qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si buuxda uga go’antahay sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa horey waxa ay u diiideen nidaamka Doorashada ay Dowladda gadaal ka riixeeyso ee ah Qof iyo Cod ka, sidoo kale waxa ay dhaliilsanayeen wax ka badelka Dastuur iyo arrimo quseeya ammaanka iyo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab.