Ardayda Iskuulada oo saakay ku banaan baxay Wasiir Goodax

1620

Waxaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho banaan bax ay dhigayaan qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay u fadhiyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay dowladdu qaadeysay.

Ardayda oo boqolaal ku dhow ayaa isugu soo uruuray Taalada Daljirka Dahsoon, iyagoo ku qeylinaya halku dhigyo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Goodax Barre oo xalay ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan Imtixaankii la qaadayay, lana baabi’iyay Imtixaankii la galay saddexdii maalmood.

Ardayda banaan baxeysa ayaa ku qeylinayay halku dhigyo kala duwan “Dooni Meyno Goodax Barre” waxaana mar ay isku dayeen inay hor maraan Madaxtooyada laga soo celiyay agagaarka Taalada Xaawo Taako, halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Madaxtooyada oo rasaas ku kala eryay, iyagoo dib ugu soo laabtay Taalada Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in banaan baxyo kale ka socdaan Isgoyska Zoobe oo ay isugu soo baxeen Arday ka careysan go’aankii Wasiirka Waxbarashada uu ku joojiyay Imtixaankii socda, kuna baabi’iyay Imtixaankii la galay saddexdii maalmood, kaddib markii suuqyada la soo geliyay qishka Imtixaanaadkaas oo la iibinayo.

Go’aanka Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan kala duwan, iyadoo baraha bulshada si aad ah looga hadal hayay oo ay dadka ku kala aragti duwanaayeen, qaarna taageeray, kuwana ka soo horjeeday.

Imtixaanaadka ayaa dib loogu dhigay 27 bishan, kaasoo ku eg 31 May, waxaa Wasiirka sheegay inta ay socdaan Imtixaanaadka la joojin doono isticmaalka baraha bulshada.

Hase ahaatee dadka ku xeel dheer arrimaha Waxbarashada ayaa sheegaya in fadeexada qabsatay Wasaaradda Waxbarashada ay aheyd in tallaabo looga qaado Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo howladeenada, lana baaro sababtii ay ku dhacday qishka Imtixaanaadka in bannaanka u baxo, laguna kala iibsado suuqyada.