Arin Cadayn U Ah In Uuna Mauricio Pochettino Tababare U Noqon Doonin Arsenal & Barcelona Oo La Helay

1878

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa kooxo badan inkasta oo uu kaliya salaasadii ka tagay shaqada kooxda Tottenham.

Tababaraha reer Argentine ayaa shaqada laga caydhiyay kadib qaabkii niyad jabka lahaa ee ay kooxda Tottenham ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 14-aad ee horyaalka premier League.

Pochettino ayaa si xoogan loola xidhiidhinayaa kooxda Bayern Munich kuwaas oo haatan haysta tababare ku meel gaadh ah kadib markii shaqada laga caydhiyay Niko Kovac.

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Laakiin Barcelona ayaa ah kooxda ugu cad-cad ee doonaysa saxiixa tabbaraha sida ay sheegayaan wararku.

Pochettino ayaa la waydiiyay in uu tababare u noqon karo mustaqbalka kooxda Barcelona kadib markii la arkay isaga oo casho la qaadanaya madaxweynaha Barcelona snaadkii 2017.

Laakiin Pochettino oo horay ugu soo ciyaaray tababarena ugu soo noqday ayaa sheegay in xidhiidhka uu la leeyahay Espanyol oo ay xafiiltamanaan Barcelona in ay la macno tahay in uuna waligiis qaban doonin shaqada tababranimo.

“Waxa aan ahay taageere Espnayol ah”ayuu yidhi.

“Uma malaynayo in aan u baahanahay in aan wax badan ka hadlo”.

“Waxa ay la macno tahay in hadii aan Tottenham ka tago sanado yar kadib in aan tababare u noqdo Arsenal”.

“Waan jecelahay Espnayol, waa sida Aan U jecelahay Tottenham sidaas darteed suurtagal ma ahan in aan tababare u noqdo Barcelona & Arsenal-ba”.