Arsenal iyo Brighton oo isku garab dhacay +SAWIRRO+VIDEO

1864

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro la dhaafi weyday Kooxda Brighton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league iyaga oona iska qasaariyey fursad ay ugu soo dhawaan kareen Kooxda Tottenham.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Arsenal iyo Brighton ayaa ku soo idlaaday 1-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Arsenal.

Bilowgii qeebtii horaba Kooxda Arsenal ayaa lagu abaal mariyey gool kulaad waxaana u dhaliyey laacibka ugu sareeya xaga goolasha Arsenal ee Aubameyang daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta.

Gunners ayaa abuurtay 3-jaanis kale oo gool loo filan karay balse midne kama aysan faa’ideysan in ay gool u badalaan, geesta kale Kooxda Brighton ayaa dhankeeda la timid labo fursadood oo gool loo maleesan karay lkn uma suurta galin in jaanisyadaas ay ka faa’ideystaan.

Kulanka qeebtiisa hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Arsenal, muddo kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Brighton oo marti aheyd ayaa markeeda lagu abaal mariyey gool rigoore ahaa waxaana gool kulaadkaas ansixiyey Murray daqiiqadii 61-aa ciyaarta, natiijada ciyaarta ayaana noqotay mid garbo siman ah.

Arsenal ayaa dadaal dheeri ku bixisay sidii ay u heli lahaayeen goolka guusha balse daafacyada Kooxda Brighton ayaa sameeyey difaacasho aad u qurux badan.

Geesta kale kooxda Brighton ayaan dhankeeda ka yareesan dhigeeda kooxda Arsenal iyaga oona soo bandhigay qaab ciyaareed aad u sareeya balse dhowr jaanis oo ay heleen ay ku guul dareesteen in ay gool u badalaan.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Arsenal iyo Brighton ayaa ku soo idlaaday bar-baro 1-1 xili Arsenal ay iska qasaarisay fursad ay ugu soo dhawaan kartay Kooxda Tottenham oo ku jirta booska afaraad.