Arsenal Oo Aan Xilli Ciyaareedka Dambe Ka Ciyaari Doonin Europa League -SAWIRRO

1737

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in ayna xilli ciyaareedka dambe ka qayb gali doonin tartanka Europa League kadib guuldaradii Gunners ka soo gaadhay Aston Villa.

Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo 6 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 6-aad ku jirta ee Wolves.

Arintan ayaa mar faa’iido u ah kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe iyaga oo kaliya diirada saari doona horyaalka premier League iyo koobabka FA Cup-ka iyo League cup-ka todobaadkiina hal kulan ciyaari doona.

Arintan ayaa Gunners ka caawin karta in ay hesho naasasho fiican arintaasna uga faa’iidaysato in ay u tartamaan boosaska Champions League ama ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin sidoo kale waxa ay u leedahay faa’iido daro sabab la xidhiidh in ayna Arsenal heli doonin lacagta laga helo ka qayb galka tartamada yurub taas oo la macno ah in ayna Arsenal heli doonin lacag ay ku xoojiso kooxda ugana timaada ka qayb galka Europa League taas oo ku sii xumaynaysa xaalka dhaqaale ee ay kooxdu ku jirto.