Arsenal Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Burnley +SAWIRRO

1422

Kooxda Arsenal ayaa ku hor kuftay kooxda Burnley iyaga oo bar-baro niyad jab leh ku dhaafi waayay kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Turf Moore.

Qaybta Hore:

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro wakhti ah oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.

Dhanka kale kooxda Burnley oo looga bartay in ay tahay koox difaac ayaa ku 11 xiddig ku difaacanaysay goolkeeda iyaga oo Arsenal u diidayay goolal dhaliyaan.

Daqiiqadii 5-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Arsenal ayaa goolkaas kadib heshay fursado waali ah oo ay ku dili kartay ciyaarta gabi ahaan marka loo eego sida ay u ciyaaraysay.

Kooxda Burnley oo ku rajo weynaa in ay ciyaarta ku soo laabtaan ayaa si fiican u difaacday sidoo kale helay fursado yar-yar oo ay goolal ku dhalin kareen.

Daqiiqadii 39-aad ayay Burnely heshay goolka bar-baraha iyada oo uu u dhaliyay xiddiga Chris Wood kadib khalad uu sameeyay Granit Xhaka kaas oo ku dhuftay kubada sidaasna ku dhashay goolku.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku aadeen qolka Labiska laakiin Arsenal u qalantay in ay ciyaarta guul ka gaadho qaybta horebe.

Qaybta Dambe:

Labada kooxood ayaa qaybtii dambe helay fursado labada dhinac ah oo ay goolal ku dhalin kareen laakiin labada kooxood ayaan wax goolal ah ka dhalin fursadahaad.

Dhanka kale Arsenal ayaa laga diiday rikoodhe kadib markii xiddig Burnley ah si cad kubada ugu taabtay gacanta isaga oo dilinta ganaaxa ku jira.

Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta cadaadis saartay Burnley iyaga oo xitaa birta u garaacay fursad cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ku fashilantay in ay 3-da dhibcood ka qaadato kooxda Burnley kulan xiiso lahaa.