Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Lucas Vazquez

1608

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata koox ku sii dhawaanaysa saxiixeedii 2-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo wadahadalo horumar leh kula jira kooxda Real Madrid kaas oo ay ka doonayaan xiddig garabka weerarka ka ciyaara.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab lacageed oo dhan 32 milyan oo euro iyo 3 milyan oo Guno ah ka gudbisay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez.

Tababare Unai Emery ayaa suuqa ugu jira xiddigo uu ku xoojiyo garabka weerarka kooxdiisa isaga oo doonaya in uu dhiso koox xilli ciyaareedka dambe u tartanta u soo bixista champions League.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo Lucas Vazquez kadib markii ay xiddigo badan la soo saxiixatay xagaagan maadama uuna xiddigu ka qayb ahayn qorshaha tababare Zidane.

Wargayska AS ayaa sheegaya in wadahalada labada kooxood u socda uu marayo mee fiican waliba kooxda Real Madrid doonayso in uu heshiisku dhamaystirmo ka hor inta ayna Isniinta u duulin America si ay u bilowdaan tababarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.