Arsenal oo guul ay u baahnayd ka gaadhay Wolves +SAWIRRO

1395

Kooxda Arsenal ayaa guul ay aad ugu baahnayd ka gaadhay Wolves kulan ka tirsanaa premier League iyaga oo gaadhay guushii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa ku bilaabatay si aad u hooaysa iyada oo kooxda Wolves maamulaysay ciyaarta xilli ay iyagu ciyaarayeen weeraro rogaal celis ah.

Kooxda Gunners ayaa ahayd kooxda ku fiican fursadaha iyaga oo marar badan halis galiyay Goolka kooxda Wolves.

Daqiiqadii 25-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca Gabriel kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Wolves ayaa wixii intaas ka dambeeyay laba jibaartay weerarada iyo fursadaha ay samaynayso iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Qaybtii dambe ayay Wolves ahayd kooxda wax walba u samaysay sidii ay u keeni lahayd goolka bar-baraha xilli ay Arsenal difaac bir ah hor dhigtay goolkeeda.

Ugu dambayn Arsenal ayaa ciyaarta ku dhamaystay 1/0 inkasta oo kaadhka cas looga taagay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo laba digniin oo deg-deg ah qaatay.