Arsenal Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Everton +SAWIRRO

2055

Arsenal daqiiqaddxii 1-aad ayaa looga naxsaday gool uu ka dhaliyay Dominic Calvert-Lewin waxaana ka muuqanayay qalad dhanka daafaca ah .

Ka dib goolkaaas , Arsenal isku dayo ayay sameyneysay waliba kubadda afka hore ayay keenayeen balse Everton ayaa ku guuleysaneysay in durba kubadda ay soo celiyaan .

Xilli xaalka sidaas yahay , Arsenal waxa uu dhaawac garabka ah ka gaaray Sead Kolasinac waxaana daqiiqaddii 19-aad lagu soo badalay Bukayo Saka

Saka hanaanka ciyaarta wax ay uu ka badalay waliba garabkiisa si wacan ayay kubadda uga imaaneysay illaa ay keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqaddii 27-aad waxaana dhaliyay Eddie Nketiah .

Arsenal qadkooda dhexe waa uu wacnaa xilli Everton halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Arsenal heleen gool labaad uu dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqaddii 33-aad , waxa ayna Everton ka sheeganeysay qaladaad dhanka daafaca ah

Arsenal inkastoo kubadda ku badneyd hadana mararka qaar halis ayay ugu jireen bar bar dhaca kaas oo ugu dambeyn yimid waqtigii dheeriga ee qeybta koowaad waxaana ka dhalyay Richarlison , min laba gool ayaana lagu nastay.

Qeybta labaad, daqiiqaddii 1-aad ayay Arsenal heleen gool uu saxiixay mar kale Aubameyang daqiiqaddii 45-aad , ka dib Arsenal waxaa laga dareemay in ay baadi goobayaan natiijo intaas ka badan .

Everton , sidaas oo ay tahay isma dhiibin waa ayna dadajinayeen kubadda marka ay cagtooda soo gasho balse durba waa laga soo celinayay xilli Arsenla u muuqdeen kuwo xogaa dajiyay ciyaarta

Ciyaarta , si ayay qaboow u nooqtay mana jirrin xaraarad iyo dhaqaaq wacan inkastoo Everton dooneysay in kubadda afka hore Arsenla geeyaan xili daqiiqadii 72-aad ku sigteen goolka bar bar dhaca balse goolhayaha ayaa bad baadiyay.

Arsenal dib ayay u guranayeen waana loo baqayay xilli macalin Arteta daqiiqadii 76-aad uu soo giliyay Lucas Torreira oo loo saaray Dani Ceballos, intaas kuma joogsan Ozil ayuu sii saaray daqiiqadii 82-aad iyadoo lagu badalay Guendouzi

Dhamaadkii Arsenal gool afaraad ayay iska qasaariyeen , xilli dhankoodana uu bad baadinayay goolhayaha waxa ayan ciyaarta ku dhamatay 3/2 oo ay Arsenal gusha ku raacday.