Arsenal Oo Ku Guuleystay Commmunity Shield-ka +SAWIRRO

1737

Ka dib ciyaar waqtigii caadiga la isla dhaafi waayay bar-bar dhac min hal gool ah , Arsenal ayaa rigoorayaal ku badisay kuna qaaday koobka COMMUNITY SHIELD ka dib kulan xiiso lahaa oo ay wada ciyaareen Liverpool

Sheekada qeybta hore : Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay Liveprool hal gool oo nadiif ah ka dib markii labada koox ay soo bandhigeen ciyaar heerkeeda uu iska dhex dhexdaad ahaa

Aresenal kulankaan daafac ahaan ayay u wacnaayeen , sidaas oo ay tahay daqiiqadii 7-aad Liverpool gool ayaa laga diiday sababo la xariira Offside waxaana sidaas sameeyay Van Dijk

Arsenal waa ay ku dhiiranayeen in kubadd aaagga goosha Liverpool gaarsiiyaan waliba kubadaha dhaar dheer ilaa ugu dambeyn ay keeneen gool uu meel fog ka toogtay Aubameyang daqiiqadii 17-aad

Liverpool isma dhiibin isku dayo ayay sameeynayeen waliba kubadda waa ay kaga sareeyeen Arsenal ,waxaana daqiiqadii 30-aad gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha Arsenal , waxaana lagu nastay halkaas.

Qeybta labaad, Liveprool iyaga ayaa cadaadis sareeysay balse Arsenal daafac ahaan waa ay wacnaayeen mana jirrin qaladaad ay sameeynayeen iyaga oo ku wacnaa in kubadda durba soo kala jaraan

Liverpool xal ma hayn inkastoo kubadda ay cagtooda ku badneyn waxa ayna baasi goobayeen dal daloolo ay kubadda marsiiyaan si goolka bar bar dhaca u keenaan xilli Arsenal ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Arsenal badalkoodii ugu horeeysay waxa ay daqiiqadii 58-aad ku soo giliyeen Cedric Soares oo loo saaray Hector Bellerin halka Livewprool daqiiqadii 59-aad soo wada giliyeen Takumi Minamino iyo Naby Keita oo loo saaray Neco Williams iyo Milner

Cadaadiska Liverpool waxaa lagu keenay gool uu dhaliyay Takumi Minamino daqiiqaddii 73-aad , waxaana xusid mudan in Arsenal looga gacan sareeyay maamulka kubadda.

Arsenal daafac ayay galeen waliba aagga gooshooda xili Liverpool aheyd dhanka weerarka sameynayay ee ay ka go`neyd in shabaqa ay tagaan.
Liverepool dhan wlaiba ayay u marayeen gool ay helaan waxaana daqiiqaddii 81-aad gool xaqiiq ahaa laga bad baadiyay Mane waxa ayna Arsenal soo giliyeen Willock iyo Reiss Nelson oo loo saaray Bukayo Saka iyo Kieran Tierney halka Livepool iyana soo giliyeen Curtis Jones oo loo badalay Roberto Firmino

Arsenal dhamaadkii cadaadis ayay saareen Liveprool waliba goosha ayay u dhawaanayeen xilli Liveprool iyana ay sameynayeen isku dayo la mid ah , waxaana xusid mudan in daqiiqadihii geerida in ciyaarta ay u furneyd labada dhinac waxa uuna Klopp soo soo gilyay Rhian Brewster oo loo saaray Georginio Wijnaldum, waxa ayna ciyaarta waqtigii caadiga ay ku dhamaatay min hal gool , waxaana ka dib la aaday rigoore tuurasho

Ka dib rigoorayaal la tuurtay waxaa ay guusha ku raacday Arsenal oo ku badisay 5/4.