Arsenal Oo Kulankii 4-aad Oo Xidhiidh Ah Premier League Looga Badiyay Emirates +SAWIRRO

1326

Kooxda Arsenal ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee horyaalka premier League gaar ahaan kulamada garoonkeeda Emirates Kulan ka tirsanaa todobaadkii 12-aad.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid isku dheeli tiran oo ay labada kooxood ciyaarayeen ciyaar uuna midkoodna fiicnayn qabtii hore ee ciyaarta.

Arsenal ayaa dhankeeda samaysay fursado cajiib ah si la mid ah Bunrly ayaa samaysay fursado cajiib ah oo la taaban karo.

Xiddigaha Arsenal iyo Burnley ee Chris Wood & Alexandre Lacazette ayaa laba fursadood oo cajiib ah ka khasaariyay labada kooxood.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood si fiican u ciyaareen.

Qaybta dambe:

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta qaybtii dambe iyaga oo Fursado deg-deg ah sameeyay bilowgii qaybta dambe una muuqday kuwo gool dhalinaya.

Laakiin daqiiqadii 58-aad ayay wax walba iska badaleen kooxda Arsenal kadib markii uu Granit Xhaka qaatay kaadhka cas ee tooska ah kadib markii uu cunaha qabtay xiddig Burnley ah.

Kooxda Arsenal ayaa wixii intaas ka dambeeyay noqotay 10 xiddig taas oo Bunrley fursad u siisay in ay qaadaan weeraro aan kala joogsi lahayn.

Kadib weeraro aan kala joogsi lahayn kooxda Burnley ayaa daqiqiadii 74-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyada oo si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo goolka kooxdiisa mooday goolkii Burnley sidaasna hogaanka ugu dhiibay Burnley.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal la kulantay guuldaradii 4-aad oo xidhiidh ah premier League halka ayna kooxdu wax guul ah gaadhin tan ilaa guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadheen Man United.