Arsenal oo si dhib ah ku bareejaysay Southampton +SAWIRRO

1799


Kooxda Arsenal ayaa bar-baro la gashay kooxda Southampton kulan ka dhacay Emirates kulan ay Arsenal 10 xiddig ku dhamaysteen kadib kaadh cas oo loo taagay Gunners.

Qaybta Hore:

Sidii caadada ahayd Arsenal ayaa si xun ku bilaabatay ciyaarta xilli Southampton ahayd kooxda fiican iyaga oo raadinayay in ay Arsenal goolal ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 18-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Theo Walcott kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Kooxda Arsenal ayaa si weyn ugu dhibaatotay in ay samayso fursado ay goolal ku dhalin karto iyaga oo aan qaadin weeraro la taaban karo.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Southampton hogaaminaysay ciyaarta dhanka qaab ciyaareedka iyo waliba natiijada.

Qaybta Dambe:

Kooxda Arsenal ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqatay kuwo natiijo kala baxaya ciyaarta marka la eego sida ay u ciyaarayeen iyaga oo ka awood badnaa kooxda Southampton.

Daqiiqadii 52-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ka baxay abaartii goolasha.

Laakiin bar-barihii Arsenal iyo waliba qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku bilowdeen ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii daqiiqadii 63-aad kaadhka cas loo taagay daafaca dhexe ee Gabriel kaas oo kooxdiisa 10 xiddig kaga tagay inta ka dhiman ciyaarta.

Arsenal ayaa daqiiqadii 90+1-aad ku dhawaatay gool kadib markii uu Rob Holding birta sare ku dhuftay madax qurux badan.

Waxa ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guuldaro kale ka badbaaday laakiin wali bilaa guul ah horyaalka premier League.