Arsenal Oo Xasuuqday Liverpool +SAWIRRO

134

Arsenal ayaa badisay kulankii adkaa ee horyaalka premier League iyaga oo guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa toodbaadkii 23-aad ee horyaalka.

Gunners ayaa 3/1 ku garaacday Liverpool kulan ka dhacay garoonka Emirates.

Arsenal ayaa si xoogan ku bilaabatay ciyaarta waxana ay daqiiqadii 14-aadba dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka.

Laakiin Liverpool ayaa heshay goolka bar-baraha iyaga oo uga mahad celinayaa gool uu iska dhaliyay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Gabriel kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 dhamaadkii qaybta hore.
Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa daqiiqadii 67-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Arsenal isaga oo ka faa’iidaystay khalad ay sameeyeen daafaca iyo Goolhayaha Arsenal.

Xilli ay Arsenal raadinayso goolka bar-baraha ayuu xiddiga Trossard dilay ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa daqiiqadii 92-aad.

Natiijadaas kadib Arsenal ayaa yeelatay 49 dhibcod waxana ay ku jirtaa kaalinta 2-aad iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya Liverpool.