“Arsenal Waxa Ay Ka Hadhi Doontaa Premier League Hadii Halkan Arin Dhici Waydo Maalmaha Soo Socda”.

1591

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa maamulka Gunners u sheegay in ay Arsenal ka hadhayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan hadii ay si deg-deg ah shaqada uga caydhin waayaan Unai Emery.

Gunners ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Eintracht Frankfurt kulan ka tirsanaa Europa League inkasta oo ay ku hor mareen goolka oo uu Pierre-Emerick Aubameyang u dhaliyay.

Guuldaradaas ayaa ahayd midii ugu horaysay ee ay Arsenal kala kulanto garoonkeeda xilli ciyaareedkan waxana ay sii dheeraystay kulamada guul la,aanta kooxda oo ah 7 kulan.

Guushii ugu dambaysay ee ay gaadheen ayaa timid 6 bishii October kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Cadaadiska ayaa ku Sii badanaya tababare Emery laakiin qaab ciyaareedkii xumaa ee xalay ayuu Keown sheegay in ay tahay wakhtigii uu Emery isaga tagi lahaa kooxda.

“Emery waxa uu kooxda u qaaday meeshii uu awooday”ayuu Keonw yidhi.

“Waxa aan aragnay qaab ciyaareed ceeb ah kulankii xalay qaybtii dambe ee ciyaarta”.

“Doorshada shaxda, dhiiri galinta kooxda, kaydka, qaab ciyaareedka – wax walba way ka maqnaayeen kooxda, waxa uu ahaa qaab ciyaareed Liita”.

“Waxa aan xasuustaa markii ay taageerayaashu ku jeesteen Terry Neill 37 sano ka hor waxa aan joogay kooxda, wax walbana way sii xumaanayeen waxana aan u malaynayaa in ay kooxdu halkaas ku socoto”.

“Awood uma lagan in uu dhiiri galiyo kooxda, waxa aan u malaynayaa in uu lumiyay kalsoonida kooxda”.

“Waxa aan su,aal ka keeni karaa, Xhaka waxa uu doonayay in uu sii ciyaaro laakiin waxa ay ahayd in uu badalo, Mustafi waxa ay ahayd in uu badalo, muxuu kaydka ugu hayaa Lacazette iyo Pepe”.

“Waxan u malaynayaa in uu tabaaruhu joogo boos ay tahay in uu shaqada isaga tago haatan”.